Qarax Khasaaro geestay oo goordhaw ka dhacay Suuq kuyaala Degmada Afgooye

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose  ayaa sheegaya in goordhaw qarax miino uu ka dhacay Suuqa lagu iibiyo xoolaha ee kuyaala Degmada Afgooye.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa miino uu dhacay xili Suuqa ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowlada oo halkaasi ka aruurinayay lacagta canshuurta, waxaana xiliga qaraxu dhacayay Suuqa ahaa mid mashquul badan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxan goordhaw ka dhacay Suuqa Xoolaha degmada Afgooye uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana goobta qaraxu ka dhacay noqotay goob ay inta badan ka kala cararaan dadkii joogay.

Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee degmada Afgooye ayaa marar badan waxaa ka dhacay qaraxyo khasaaro kala duwan dhaliyay, qaraxyadan ayaana inta badan lala eegtaa ciidamada dowlada ee Suuqaasi u tagaya aruurinta canshuurta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -